Maxamed Mursal oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Waxaa goordhow Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kusoo dhammaatay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#182 ayaa waxaa ku tartamay Faysal Ibraahim Xasan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo afarii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Maxamed Mursal uu ku guuleystay doorashadii Maanta dhacday, isla markaana uu helay Codad gaaraya 88 Cod, halka Musharaxiin la tartamay Faysal Ibraahim uu isna helay 12 Cod.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale kamid noqonaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna haatan ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada kuraas kale ayaa haatan ka bilaabaneysa Xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay kusoo idlaatay doorashadii uu kusoo baxay Maxamed Mursal, waxaana doorashadaas ku tartamaya Musharaxiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor