Maxamed Ibraahim Macalimuu oo War kasoo saaray xilka loo magacaabay

Afhyeenka Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay xilkii shalay uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Macalimuu ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkaas u magacaabay, isagoo Alle ka baryay inuu u fududeeyo shaqada loo idmaday.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa tan iyo 1995-kii  la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, isla markaana waxaa uu sheegay inuu kasii shaqeyn doono.

“Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ahaa Wariye Rug-cadaa oo muddo badan kasoo shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Wakiil-na uga ahaa Magaalada Muqdisho, wuxuuna hadda ahaa Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESUJ).

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Afhayeen Maxamed Ibraahim Macalimuu

Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.

Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay.

Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .

Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday.

Alla aan ka barino in dalkeenna uu inoo nabadeeyo .Colaad in ku filan waan soo aragnay .Inshallah aan si wadajir ah uga shaqeyno danta dadkeenna.

Allah ayaa badbaade leh ee haigu shartiro howshan uu RW Rooble ii magacaabay .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media