Maxamed Cabdirisaaq oo Layaab ku tilmaamay xilka qaadistii Maanta lagu sameeyay

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka fal celiyey xil ka qaadistii lagu sameeyay maanta, isagoo ku tilmaamey talaabadaasi wax aan wanaag saneyn.

Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamey hannaankii iyo war gelin la’aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa, inkastoo uu qirey iney jirtey toddobaad kahor inuu gudbiyey istiqaalad.

Marar badan ayay dhacdaa in wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee dowladda Soomaaliya laga qaado jagooyinka ay hayaan, iyaga oo aan lagu wargelin.

Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah, iyadoo uu yahay mas’uulkii saddexaad ee qabta jagadaasi ee wasaaradda arrimaha dibadda, tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017-kii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017 xilka Madaxtinimada Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo magacaabay afar Wasiir.

Waxaa ugu horeeyey Ambassador Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar. Cabdulcasiis Muuse Cali, waa mas’uulkii afraad ee loo magacaabo jagadani.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya loo magacaabey maanta, ayaa waxaa sugaya hawlo culus, iyadoo wasaaraddani ay kamid tahay kuwa ugu shaqada badan Xukuumadda..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor