Maxaabiistii Xsbiyada Mucaaradka Somaliland oo lasii daayey

Waxaa xabsiga laga sii daayay siyaasiin iyo suxufiyiin sida la sheegay xabsiga Mandheera ee Somaliland ugu xirnaa arrimo siayasadeed.

Arrintan ayaa timid ka dib markii salaadiin ka mid ah kuwa Somaliland ay dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Mid ka mid ah salaadiinta hawshan qaybta ka qaadatay oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in siiddaynta maxaabiista ka dib ay berri kulmi doonaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaddu.

“Waxaa xigi doona qoladii mucaaradka ahayd iyo dowladda oo kulmi doona, sagaalka subaxnimo iyada kheyr baan ka rajaynaynaa”. ayuu yiri suldaanka BBC-da la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa waayadaan dambe taagnaa khilaaf ka dhashay doorashada oo u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaradka. lamana oga in dadaalladan ay soo afjari doonaan xurguftii dhinacyada u dhaxaysay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor