Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo todobaadkan looga hadlay Arrimo kala duwan.

Shirka Golaha inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda Cudurka halista ah ee COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada quraanka.

Shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Wasiirada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor