Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Maamulka Puntland?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo Maanta khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garopwe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Amniga guud ee deegaanada Puntland iyo qodobo kale oo Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Inta uu socday Shirka Golaha Maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, heerka Cudurka halista ah ee COVID-19 ee Puntland, warbixinta Gobollada Puntland iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wasiirada Maamulka faray inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla, waxaana kulanka Maanta ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor