Maxaa looga hadlay Shirka Guddiga Qaran ee ka hortega Cudurka COVID-19?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga Cudurka halista ah COVID-19.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan oo kiisas farabadan laga helay dalka.

Inta uu socday kulankii xalay ayaa waxaa diirada lagu saaray saameynta dhaqaale ee safmarka feyruska karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duullimaadyadka dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo looga guuleysan karo Cudurka oo aduunka sameeyay.

1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59, halka ay ka bogsatay 167 ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media