Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimadda.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle, iyadoo dhulka miyiga ah ay ka soo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan, xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xooggan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor