Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland?

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkaan looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah geedi socodka Jubbaland.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo inta badan wasiiradda xukuumadda Jubbaland.

Todobaadkaan ayaa waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay ariimo badan oo ay ugu horeeyeen aminga guud ee Jubbaland, siyaasadda dalka dawlad wanaaga iyo xiriirada dawlad gobaleedyada iyo dawladda dhexe ee dalka.

Waxaa shirka warbixino looga dhageystay dhowr wasaaradood oo ay kamid ahaayeen wasaaradda aminga gudaha, wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska, wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada, iyo wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland.

Wasaaradda amniga gudaha Jubbaland ayaa ka warbixisay xaaladihii amniga ee ugu danbeysay iyadoona sheegtay in dhawr hawl-gal oo ka dhan ahaa Al-shabaab ay ciidamada amniga Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka.

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa ka warbixisay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee ay todobaadkii hore u fariisteen dhammaan ardaydii sanadkaan dhameyneysay dugsiyada sare ee Jubbaland kaasoo ay sida wadajirka isaga kaashadeen iyo wasaaradda waxbarashada xukuumadda dalka.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa faahfaahin ka bixisay xarumo badan oo caafimaad oo laga hirgaliyay degmooyinka Buurdhuubo, Dhoobley iyo Doolow kuwaasoo loogu adeegayo bulshada reer Jubbaland ee ku nool degmooyinkaasi.

Dhanka kale wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland ayaa kulanka ka sheegtay xaaladihii ugu danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta ay ku reebtay dadka xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda.

Wasaaradda ayaa shaacisay tirada guud ee dadkii ay saameysay abaarta kuwaasoo la sheegay in ay gaarayaa 1750 kun oo qoys halka dad gaaraya todoba boqol oo kun oo qoys ay ku Barakaceen abaartii ka dhacday dalka gaar ahaan deegaanada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor