Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland?

Madaxweyne  ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arrimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horreeyntii kulanka golaha wasiirada ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubbaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubbaland MudaneYuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxa uu sheegay in Jubbaland wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga doodeen golaha, kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga Bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo Bilicda Deegaanka.

Arrimaha abaaraha iyo Biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane Axmed Xuseen Baraki,isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Jubbaland ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor