Maxaa looga hadlay kulan xasaasi ah oo ay yeesheen Madasha Xisbiyada?

Qaar ka mid ah hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo sadexdii cisho ee lasoo dhaafay kulan ku lahaa Decale Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa isla gorfeeyay arimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu dalku galay.

Kulankan oo uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sharif Sheikh Ahmed, qeybna uu ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa ujeedkiisu ahaa maareynta marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo.

Waxaana intii uu socday kulanka ay hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran la tashiyo la sameeyeen masuuliyiin ka tirsan Madasha oo dalka dabiddiisa ku maqan, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, waxgaradka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Gabogabada kulankan sadexda cisho u socday hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu shaaciyay in ay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay xilligeeda ku qabsoonto, lagana wada heshiiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media