Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Suudan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga?

Ra’isul-wasaare  Abdalla Hamdouk ayaa waxa uu Fiidnimadii xalay booqasho 2 maalmood ah ku tegay dalka Sacuudiga, isagoo hoggaaminayey Wafdi Dowladeed oo heer sare ah.

Abdalla Hamdouk waxaa Garoonka Caalamiga ee King Khaled International Airport ee Magaaladda Riyadh ku soo dhaweeyey Amiir Faysal Bander Bin C/Casiis iyo Danjiraha Sudan u jooga dalka Sacuudiga, Ambassador Caadil Bashiir.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sudan waxa uu booqasho 2 maalmood ah ku joogi doona Sacuudiga, isagoo xalay la kulmay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan (MBS) oo isaga isku haya xilalka Ku-xigeenka RW iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sudan oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu bogaadiyey doorka muhiimka ee ay Sacuudiga ka qaataan dadaalka Nabadda ee Sudan iyo Marti-gelinta Saaxiibada Sudan “Sudan Friends’” oo qoondeysay Taageeradda dadaalka Nabadda iyo in Saraakiisha Sacuudiga lagu casuumay inay booqdaan dalka Sudan.

Kulanka ay RW Sudan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ee MBS ku yeesheen Riyadh waxaa kaloo looga hadlay Horumarinta Iskaashiga Maalgashiga iyo Ammaanka Badda Cas.

Dowladda Sacuudiga waxay horey ugu ballan qaaday Dowladda Sudan Taageero Dhaqaale oo dhan 1.5 Billion oo Dollar, balse, waxay bixiyen 250 million oo Dollar oo lag shubay Khasnadda Bangiga Dhexe ee Sudan bishii May 19-dii ee sanadkii 2019-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor