Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay Cudurka halista ah ee Coronavirus ka bogsadeen 27 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19 ah, waxaana dadka laga helay la geliyay xaalad karantiil ah.
29 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Jubbaland 4 iyo Gobolka Banaadir 3 qof ah, waxaana 30 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, halka ay dumar yihiin 6 qof.
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 2,755 Ruux, waxaa ka bogsooday 751 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 88.