Maxaa kusoo kordhay Kiisaska COVID-19 ee deegaanada Somaliland?

Wasaaaradda Caafimaada Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay Dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronvirus, kuwaasi oo baaritaano lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay laga baaray Cudurka 101 qof, isla markaana waxaa laga helay 8 qopf, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

6 kamid ah dadka laga helay Cudurka ayaa waxaa ay yihiin Rag, halka 2-da qof kalena yihiin Dumar, waxaana dhamaantood ay joogaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyagoona la geliyay xaalad karantiil ah.

Tirada guud ee dadka deegaanada Somaliland laga helay Cudurka Coronavirus ayaa gaartay 565 qof, waxaana la xaqiijiyay in 432 qof haatan uu haayo Cudurka, halka ay ka bogsatay 106 Qof, isla markaana waxaa deegaanada maamulkaas Cudurka ugu geeriyootay 27.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media