Maxaa kasoo kordhay dagaalkii Saaxmayaag?

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed khasaaro badan dhaliyay oo shalay ka dhacay degaannada Saaaxmaygaag iyo degaanno kale oo hoos yimaada, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawacyo badan shalay laga daad gureeyay.

Wararka saaka aynu ka helayno degaanadii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan, ayna dhinacyadii dagaalamay ku kala sugan yihiin goobihii xalay ay ku kala waaberiisteen.

Saaxmaygaag iyo Sange bajiye oo ah degaanada sida weyn loogu dagaalamay, ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayo daganaashiyo aan cago badan ku taagnayn, maaddama labada malleyshiyo ay wali iska ag-dhaw yihiin oo la filan karo in dagalku uu dub u qarxo mar kale.

Dagaalkii shalay oo soo gaaray casar liiqii ayaaa ahaa mid khasaaro badan dhaliyay, waxaana dagaalkaasi uu u istaagay si iskii ah, maaddama dhinacyada dagaalamay aysan jirin Cid si toos ah u kala dhexgashay, marka laga tago baaqyada ka imaanayay madaxda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya saaka in ay dareemayaan xaalad cabsi ah, waxaana kaabiga isku haya labada malleyshiyo beeleed oo aad u hubaysan, iyadoo wali aan la kala dhex-dhigin Ciidan Dowladeed oo kala qaada malleyshiyaadka hubaysan.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu baaqay in loo baahan yahay in dagaalkaasi la joojiyo si shuruud la’aan ah, wax walbana wada hadal lagu dhammeeyo, kadib hadal kasoo yeeray Madaxweyne ku xigeen Dowlad Goboleedka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash.