Maxaa kasoo baxay Kulankii Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta?

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka, doorashooyinka iyo habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin kahor soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ogolaaday in laga wada hadlo qodobada ay cabashada iyo diidmada ka keeneen Midowga Musharaxiinta ee ahaa habraacii doorashada Golaha Shacabka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay iska magacaabeen Guddi min saddex xubnood ah, si turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Maanta ayay shir isugu imaan doonaan guddi min saddex xubnood ah labada dhinac ah waxaa Midowga Musharaxiinta ka socda C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Dahir Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Madaxweyne Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.

Midowga Musharaxiinta ayaa diiday habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin kahor soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo qodobada ku jira qaarkood awood dheeraad ah siinaya maamul Goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor