Maxaa kasoo baxay kulankii Maanta ee Golaha Wadatashiga iyo Midowga Musharaxiinta?

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa mar kale Teendhada Afisyooni Maanta kulan kula qaatay Midowga Musharaxiinta, iyadoona Midowga ay Golaha Wadatashiga u gudbiyeen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada.

Ilo ku dhow kulanka Golaha Wadatashiga iyo Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in inta badan soo jeedintii Musharaxiinta la qaatay, inta aan ka aheyn qodobka Odayaasha 135-ta iyo Arrinta Amniga oo la isku mari waayay.

Qodobka Odayaasha 135-ta ayaa meel dhexe la isugu yimid, iyadoo la isku fahmay in la qaato Odayaasha dhaqanka soo jireenka ee la aqoonsan yahay, halka qodobkii kale ee Amniga ahaa weli aan la isla meel dhigin, waxaana arrintaas loo daayey Golaha.

Arrinta ku saabsan kuraasta lagu muransan yahay ee doorashada Golaha Shacabka oo ay dalbadeen Midowga Musharaxiinta in dib loogu laabto ayaa waxaa la sheegay in loo deynayo inay go’aan ka soo gaaraan Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashada.

Golaha Wadatashiga Qaran oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah lasoo gaba-gabeeyo, lana soo saaro War-murtiyeed, sida uu shaaciyay Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor