Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Midowga Musharaxiinta?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay  shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka  kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid  jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada  iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee ka qeyb galay kulanka ayaa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka .

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Gollaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Gollaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arinsanaya dhameystirka doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan ku baaqay in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka ee socota, iyagoona ku tilmaamay doorashada mid boob ah oo aysan aqbali doonin Natiijada kasoo baxda, iyagoona dalbaday la saxo qaladaadka ka jira habraacyad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor