Maxaa kasoo baxay kulan looga hadlay Amniga oo ka qabsoomay Magaalada Boosaaso?

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa saaka oo khamiis ah shir guddoomiyey kulan ay ka wada qeyb galeen dhammaan Sarakiisha Booliska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka  amni darro.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa ayaa si gaar ah ugu amray Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Boosaaso, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, isla markaana laga shaqeyso sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro ee marar qaar ka dhaca halkaas.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa shacabka Magaalada Boosaaso ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan, si looga hortego falalka amni darro, maadaama Magaaladaas ay ka dhaceyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor