Maxaa kasoo baxay kulan ay yeesheen Muuse Biixi & Madaxda Mucaaradka Somaliland?

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo  WADDANI ayaa Maanta oo Arbaco ah kulankii koowaad ee xal gaarista khilaafka doorashada ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa gar -wadeen  ka ahaa Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxmauud Aadan oo way wehelinayaan ergedii is-xilqaantay ee ku hawllanaa arrintan.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland oo kulanka furay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu xal ka gaaraan khilaafkooda, lagana gun-gaaro wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, si hore loogu socdo, waxana uu dhinacyada ka codsaday inay tanaasul sameeyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey madaxda axsaabta mucaaradka iyo ergeda dhexdhexaadinta waddaba, waxana uu u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in la isku soo dhawaado, lana gudo galo kulanka ugu horreeya ee dhinacyadu isku arkayaan.

Hoggaanka axsaabta mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaaro xurfugta iyo khilaafka siyaasiga ah ee taagan, dhinacyaduna isku soo dhawaadaan.

Dood iyo is dhegaysi dheer kaddib, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murrashax madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa midho-dhalka wada-hadalka bilaabmay, dhankoodana ay fulinayaan wax kasta oo keenaya in khilaafka jira la suuliyo, lana ambo qaado geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay oo uu diyaar u yahay gunaanadka khilaafka jira iyo daaweynta tabashada mucaaridka, islamarkaana ay daruuri tahay in cid kastaaba masuuliyad gaar ah iska saarto gaarista xal lagu wada qanacsan yahay.

Kulankan oo ibo-fur u ah kulamo dhawr ah oo ay dhinacyadu yeelan doonaan, ayaa kusoo dhammaaday guul iyo isu soo dhawaansho buuxa, waxana kulanka kan xiga loo ballammay ciidda Carrafo ee foodda inagu soo haysa kaddib.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor