Maxaa ka jiraa in Turkiga uu Soomaaliya siinayo diyaaradaha Drones-ka ah?

Shirkii iskaashiga Turkiga iyo Afrika ee shalay lagu soo gabagabeyay magaalada Istanbuul ayaa madaxdii khudbadaha ka jeediyay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee Soomaaliya yaalla.

Sidoo kale muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda iyo is dhexgalka bulshooyinka .

Haddaba Turkiga iyo Soomaaliya xiriir wanaagsan ayaa mudaba ka dhaxeyay waxaana sidoo kale ka marneyn iskaashi inuu jiray.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegayo in Turkiga uu Soomaaliya u siinayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka.

“Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro” ayuu yiri Cabdirashiid Maxmed oo wareysi siiyay BBC-da.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor