Maxaa ka jira inuu dhintay Mullah Abdul Ghani Baradar?

Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa.

Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan.

“Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan.

“Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor