Maxaa ka jira in Somaliland ay Madaxda DFS u ogolaatay ka qeyb galka Aaska Hadraawi?

Saacado kahor ayaa waxaa baraha  Bulshada lagu faafiyey warar sheegayay in Somaliland ay ogolaatay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qeyb geli karaan Aaska Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), balse warkaas ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Aaska Abwaan Hadraawi ayaa beeniyey wararka la faafiyey ee ahaa in Madaxda Soomaaliya u ogolaadeen inay ka qeyb galaan Aaska loo sameeynayo Hadraawi.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in hadalkiisa si khaldan loo turjumay, wuxuuna caddeeyay Wasiirka in hadalkiisa uu ahaa oo kaliya in cidii soo codsata ka qeyb galka aaska ay ka Jawaabayaan, balse aysan waxba ka jirin wararka lagu faafiyey baraha Bulshada.

“Waxaan bulshada Somaliland, u cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama” ayuu yiri Wasiir Kaahin oo xusay in aan loo baahneynin in la siyaasayeedo aaska Marxuumka.

Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shaaciyey in marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) lagu aasi doono maalinta berri Magaalada Hargeysa gaar ahaan qabuuraha Baqiiq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor