Maxaa ka jira in Musharaxiin loo diiday Warqada dembi la’aanta ee CID-da ?

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada gaar ahaan barta Facebook lagu faafiyay warar sheegayay in Musharaxiin u tartameysa kuraas Xildhibaan iyo kuw kale loo diiday Warqada caddeyneysa dembi la’aanta ah ee CID-da laga qaato.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo wareysi siiyay Telefashinka Qaranka ayaa beeniyay wararka la faafiyay ee la xiriiray in Musharaxiin loo diiday Warqada dembi la’aanta ee CID-da.

Waxaa uu sheegay Taliye Xijaar in weli aan la bilaabin bixinta Warqada dembi la’aanta oo ay qaadanayaan Musharaxiinta doorashada 2021, isla markaana uusan jirin Musharax qaatay ama loo diiday, balse ay jiraan Musharaxiinta tegay Xarunta CID-da.

Sidoo kale Taliyaha Booliska dowladda Federaalka ayaa ku baaqay in baaritaano kala duwan lagu sameeyo qof kasta oo Musharax oo tartamaya ama Ergooyinka wax dooranaya, isla markaana si siman loo maro baaristooda.

Ugu dambeyn Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tilmaamay in howl kasta oo ay qabanayaan ay la socon siinayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, isagoona caddeeyay inay qorsheynayaan in Musharaxiinta la siiyo Warqada dembi la’aanta, lana baaro.

Si kastaba, ha’ahaatee dalka Soomaaliya ayaa xili xasaasi ah ku jira, isla markaana waxaa la guda-galay doorashada dalka ka dhaceysa gaar ahaan tan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo muddo ku dhow sanad uu ka taagna khilaaf xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor