Maxaa ka jira in Kenya Afduubatay Ganacsade Soomaaliyeed oo la la’yahay?

Warbaahinta waaweyn ee dalka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn u hadal hayay sheekada ku saabsan qaabkii loo qafaashay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsatada Kenya.

23-kii bishan December ayaa Maxamed Xasan laga kaxeystay meherad ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada Machakos oo aan ka fpgeyn Nairobi, ilaa haddana lama oga halka uu ku maqan yahay.

Si rasmi ah looma shaacinin cidda ay yihiin qolyaha ka dambeeya falkan, hase yeeshee waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo in ay yihiin dad xiriir la leh dowladda, sida ay sheegeen warbaahinta uu ka mid yahay telefishinka Citizen.

Shakhsiyaadka kaxeystay ninkan ayaa la sheegay inay isku tilmaameen askarta dowladda u qaabilsan hirgelinta shuruucda xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Cumar Xasan Maxamed oo ah ganacsadaha la la’yahay walaalkiis ayaa sheegay in dadkii meheradda Ganacsiga ugu tagay Maxamed ay wateen gaari nooca loo yaqaanno qooqan, ayna ka kaxeysteen halkaas iyagoo aan sharraxaad kale bixinin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor