Maxaa ka jira in Duuliyihii diyaaradii ku dhacday Bardaale uu Yemen u dhashay?

Bishan 4-dii, Diyaarad ay lahayd Shirkadda African Express Airways ayaa ku dhacday Degmadda Berdaale ee Gobalka Bay, waxaana soo baxaya Warar kala kaan ah oo ku aadan waxa sababay Burburkeeda.

Diyaaradaasi waxaa Duuliyaha 1-aad ka ahaa Kabtan Mabruuk Islam Sherman, iyadoo Gacan-yarihiisana ahaa Cumar Jiraghdin, waxaana la sheegay inay labadooda ahaayeen Muwaadiniin u dhalatay dalka Kenya.

Duuliyaha 1-aad ayaa la sheegay inuu asal ahaan Yemeni yahay, sida ay xaqiijiyeen Ilo-wareedyo muhiim ah.

Shabakadda Wararka Yemen ee tahdeeth.net waxay cadadkeedii shalay (May 05) qortay Xubin Wareed ay Cinwaan kaga dhigtay: Duuliye Yemeni oo ku geeriyooday Gantaal ay Ciiddanka Ethiopianka ku dhufteen Diyaaradiisa.

Shabakadu waxay Qormadeeda ku bilowday: Waxaa uu Kabtan Mabruuk Yaslam Mabruuk Bin Faraj Bin Sharmaan A-nahdi ku geeriyooday Shil Diyaaradeed.

Duuliye Kabtan Mabruuk waxa uu ku geeriyooday Diyaarad ku dhacday Somalia, taasi oo ka timid Kenya iyadoo waday Shixnad Daawooyin iyo Cunto.

Dhinaca kale, Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Duuliye Mabruuk Islaam Sherman uu deganaa magaalladda Mombasa, isla markaana uu muddo hal bil ka shaqeynayey gudaha dalka Somalia.

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaano kala duwan ku wado wax dhaliyay in diyaaradaas oo aheyd mid xamuul ah ay soo dhacdo, iyadoona sheegtay in baaritaanka kasoo baxa si deg deg ah Shacabka loogu soo bandhigi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media