Maxaa ka jira in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo u direyso Liibiya?

Warbaahinta Carabta ayaa qoorkood waxaa ay maalmihii lasoo dhaafay boreen warar ay ku sheegayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo u direyso dalka Liibiya, si ay gacan uga geystaan xasilinta dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay  BBC-da ayaa waxaa uu beeniyay wararka la faafiyay ee ahaa Somalia ay Ciidamo u direyso dalka Liibiya.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in Ciidanka dowladda Soomaaliya aysan aheyn kuwo calooshood u shaqeystayaal ah, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan aheyn Ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in aysan jirin Ciidamo ay dowladda u direyso dalka Liibiya, ayna been abuur tahay wararka lagu qoray warbaahinta Carabta qaarkood iyo baraha Bulshada.

“Ma jiraan ciidan aan u direyno Liibiya, Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Xaaladda Liibiya ayaa sii xumaaneysa iyadoo dowladdo awood leh ay ku dul loolamayaan, waxaana ugu dambeeya Turkiga iyo Masar, iyadoo Turkiga taageerayo maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan Caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media