Maxaa diiradda lagu saarayaa shirka  maanta Muqdisho ka furmay?

Magaalada Muqdishu waxaa ka furmay maanta shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qaybgalayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan waxaa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaan iyo jaangoynta xilliga lasoo gabagabaynayo, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay baraha bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan ayaa imanaya iyadoo muran siyaasadeed uu dhexeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble. Madaxweynaha ayaa usbuucii hore shaqada ka joojiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo ku edeeyey musuqmaasuq. Madaxweynaha ayaa sidoo kale horey ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu ku guuldarraystay hoggaaminta doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacansayray hadalka kasoo yeeray madaxweynaha, waxaana uu ku eedeeyey inuu tallaabooyinka uu qaaday ay ahaayeen isku day af-gambi.

Doorashada Aqalka Sare ayaa lasoo gabagabeeyey, hase yeeshee waxaa gaabis ku socota tan Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor