Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreysa oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan Ciidul Adxada

Mas’uuliyiinta ugu sarraysa dalka ayaa Sahcabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee Ciidul Adxada, oo berri oo Talado ah koow ah.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.
“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.”

Isna dhankiisa Ugu Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadd Ciidul Adxa, waxaana uu ugu baaqay in la is cafiyo, sidoo aklena la gacan siiyo dadka danta yar.

Sidoo kale Guddomiyaha golaha shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa guud ahaan Ummdda Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaliyeed meelwalba oo ay joogan uga hambalyeeyey Ciida Carafo Islamarkana u rajeeyey inay farxad ku ciidaan.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ku hadlaya afka mudanayaasha golaha shacab ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku bogaadiyey inay is garab istaagan islamarkana ay ka shaqeeyaan nabada, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ee Caasimada Muqdisho.
Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Eebe ugu baryay Shacabka Soomaaliyeed in Ciidaan tan xigta ay ku gaaraan Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Waxaa uu sidoo kale u rajeeyay in ay farxad ku ciidaan.

“Guud ahaan ummadda Islaamka gaar ah ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeeynaaya Ciida Carafo oo ah munaasabad ku weyn Diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan. Ilaaheey ha inaga aqbalo gudashada Acmaasha iyo fadliga Ciida Carafo, waxaana kula dardaarmaya bulshada gobolka Babaadir in ay is gargaaraan oo il gaar ah lagu fiiriyo dadka Danta’yar” ayuu yiri Cumar filish

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor