Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo Maanta laga helay COVID-19

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saakay laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay, laguna ogaaday inay qabaan Cudurka.

Taliyaha Qaybta Asluubta Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Jaamac baadi, Gudoomiyiha Komishanka Gobolkaas Farxaan Somaliland iyo Maayirkii hore degmada Burco Xildhibaan Dhegolaab ayaa dhamaantood laga helay Xanuunka COVID-19.

Mas’uuliyiintaan ayaa saakay lagu sameeyay baaritaano, iyagoona la geliyay xaalada karantiil ah, is aysan u sii faafin Cudurka, waxaana Taliyaha Qaybta Asluubta Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Jaamac baadi oo hadlay uu sheegay in xanuun uu isku arkay.

Xalay ayey aheyd markii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba  kacleeyay deegaanada Somaliland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Cudurka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya ayaa maalmahana dambe ku soo laba kacleeyay qaar ka mid ah degaannada Soomaalida, waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ah aaney intooda badan raacin tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor