Masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo kormeeray xarumo muhiim ah

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Caasimadda Hargeysa, waxaana Madaxweyne ku xigeenka kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cumar Cabdilaahi Badde iyo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee Garoonka  sida, meelaha loogu talo galay dadka dhoofaya iyo dadka kasoo degaya, isagoo u kuur gelaayey hanaanka shaqo ee la xiriira baadhista dadka kasoo degaya Garoonak  iyo kuwa ka dhoofaya, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Garoonka Diyaaradaha  Cigaal Maxamed Xuseen iyo Saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka oo iyagu heegan ugu jira sidii ay u hubin lahaayeen bedqadka dadka waddanka soo gelaya iyo kuwa ka baxaaya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la kulmay Diyaarada Itoobiya Airline oo markaasi soo fadhiisatay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, taas oo siday rakaab ay kasoo qaaday waddanka Hindiya, waxaana laanta socdaalka maamulka Garoonka iyo hawladeenada Wasaaradda Caafimaadku ay sameeyeen hubinta iyo badqadka rakaabkaasi iyadoo qofkasta la waydiinayey Waraaqda caafimaad ee uu kasoo qaatay Waddanka uu ka yimid.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tegay xarun loogu talo galay dadka Karintiinka looga shakiyo Xanuunka Covid19 oo ku taala xayndaabka Garoonka, taasi oo loo qalabeeyey si heer sare ah islamarkaana qaadaysa tiro ahaan ilaa 10-qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media