Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ka hadlay eedeymo culus oo ay u jeediyeen Shacabka magaalada Boosaaso

Kadib markii maanta  magaalada Boosaaso ay ka dhaceen banaanbayo loogasoo hor jeeday maamulka Puntland gaar ahaana eedeymo ku socday Wasaardda arrim,ha gudaha ayaa arrinkaas waxaa ka hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Shacabka maanta dhigayay banaanbaxyada ayaa ku dhawaaqay erayo ay ku diidanyihiin qorshaha golaha deegaanka Boosaaso ee lagu qeybinayo waaxyaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ka hadashay arrintaan ayaa tiri  “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland waxa ay beeninaysaa Hadal Been-abuur ah oo laga samayey wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dpuntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad hadalkaas oo lagu faafiyey Baraha Bulshadu ku xiriirto.

“Waxaanu halkan ummadda reer Puntland uga cadaynaynaa in Hadalkaasi yahay Been-abuur aan sal iyo raad toona laheyn ayna faafiyeen shaqsiyaad ay caado u noqotay faafinta xogo aan rasmi ahayn si wax looyeelo Amniga iyo kala dambaynta shacabka puntland ee degan Magaaladda Boosaaso shaqsiyaadkaas oo u adeegaya cadowga Puntland si madaxda iyo shacabka Puntland ay ugu geystaan Sumacad-dil iyo Kalsooni daro.

Sidoo kale wasiir Mohamed Abdirahman dhabancad waxa uu mar labaad shacabka puntland u cadaynaynaa in Barnaamijka baahinta shaqada Dawladda Hoose uusan ahayn qorshe hadda magaalada loogu samayno degmooyin sida dadka qaarkood udhigayaan, marka labaad aragtida ah in habkaas loo sameeyo oo la baahiyo shaqadii Dawladda Hoose u haysay Degmada Bosaso si shaqadii iyo dadka la isugu dhaweeyo aragtidani waxay ka timi Dawladda Hoose wasiirkuna aad buu ugu bogaadiyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media