Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaraddaas ayaa shaqo joojin lagu sameeyay.

Hanti-dhawrka guud ee Puntland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku shaaciyay inuu shaqada ka joojiyay Agaasime Maxamed Farmayeeri, Agaasime Mahad Colaad Maxamed iyo laba xubnood kale.

Guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa sheegay in baaris ku socoto Wasaaradda Waxbarashada Puntland, isla markaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar ayaa tilmaamay in xafiiska Hanti-dhawrka uu hay’addaha Maamulka la wareegi doono Warbixinta la xiriirta natiijada baarista ku socota Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale Hanti-dhawrka ayaa shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorshaynta Puntland oo ay ku jiraan Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Shire Faarax, Agaasimaha Waaxda Deeqaha Maxamed Cali Ciise iyo Cabdirisaaq Axmed Muuse.

Hoos ka Akhriso Warqada uu soo saaray Hanti-dhawrka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor