Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Baladweyne

Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo waa weyn oo Saaka ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana dhinmasho iyo dhaawac ku noqday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshbeelle iyo dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in Qaraxyadaasi ay ku dhinteen masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Wasiir iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Dadka Geeridooda la xaqiijiyay eek u dhintay Qaraxyadaasi ismiidaaminta ah waxaa ka mid ah Gudoomiye kuxigeenkii Gobalka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Dr. Zakariye Hurre.

Sidoo kale wararku waxaa ay tilmaamayaan in dhaawacmeen masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka iyo mamulka Hirsahbeelle.

Qaraxyada saaka lagu weeraray Baladweyne ayaa waxaa lagu fuliyay labo gaari oo waa weyn oo xamuul ah kuwaasi oo laga soo buuxshay waxtyaabaha Qaraxa.

Wali lama xaqiijin tirade khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, waxaana lasoo sheeegayaa khasaare badan, inkastoo laamaha ammaanka iyo maamulka Gobolka aysan wali wax war ah kasoo saarin Qaraxyadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor