Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo baaq u diray dowladda Somalia

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle oo sir jiraa’iid ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalatay fatahaadda Wbiga Shabelle uu ka geystay deegaano ka tirsan maamulkaas.

Xubnahaan ka tirsan labada gole ee Hirshabelle ayaa ku baaqay in wax laga qabto fatahaadda Webiga Shabelle uu ka geystay magaalada Jowhar iyo tuulooyin kale oo hoos taga kuwaas oo dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.

Dhinaca kalana mauusliyiintaa ayaa eedeymo u jediyay xildhibaanada dowladda fedraalka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Hirshabelle gaar ahaana Jowhar oo ay sheegeen in aysan xil iska saarayn deegaankii laga soo doortay sida ay hadalka u dhigeen.

Webiga Shabelle ayaa sanad kasta fatahaad lixaad leh waxa uu ka geystaa deegaano ka tirsan Hirshabelle haba ugu darnaadaan magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar iyada oo tuulooyin kana uu fatahaad ka sameeyo in kasta oo gurmad la sameeyo hadana ma muuqata qorshe lagu baajinayo fatahaadaha is daba jooga ah ee Webiyada Jubba iyo Shabelle ay geystaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media