Mas’uuliyiin booqday goobaha uu ka fatahay Webi Khasaaro badan geystay

Wabiga Jubba ee mara Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa saamayn u geystay beeralayda Degmada kaddib markii uu sameeyay fahataad waxana soo kormeeray beerahaasi maamulka Degmada Luuq.

Iyadoo Gabi ahaanba Gobolada Dalka ay is da’een roobabka guga isla markaana ay saamayn u gaysteen dadka Danyarta Ee beerafalatada ayaaa waxaa Kormeer kutagay maamulka Degmada Luuq iyo wakiil ka socda hay’adaha samafalka ee ka howlgala Degmada Luuq kormeeerkaas oo ahaa mid ay ugu kuurgalayeen saamaynta ka dhashay fatahaadiihii uu sameeyay wabiga Jubba.

Guddomiye ku-xigeenka Degmada Luuq Jeelle Xasan Cali iyo Madaxa Mashaariicda iyo xiriirka hay’adaha Degmada Luuq Nuur Xuseen Cali oo ka hadlay qasaaraha uu geystay fatahaaada uu sameeyay wabiga Jubba ayaa sheegay in dalagyadii ay beerteen beeraleyda uu gabi ahaanba qaaday fatahaadda.

Dhinaca kale qaar ka mid ah beeralayda Degmada Luuq ayaa sheegay in fatahaadda ay kuwaayeen matooradii iyo dalagyadii yar yaraa ee ka baxayay beeraha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media