Mas’uulayiin ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Jowhar

Mas’uulayiin ka socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar halkaas oo ay kulamo Shaqo iyo tababaro ah ugu qaban doonan qaar ka mid ah Wasaaraha dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Wafdiga oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar, halkaas oo kulamo kula qaadanayso Madaxda kala duwan ee dowlad gobaleedka.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa dhankiisa sheegay maalmahaan inay wadaan Shaqo kulamo ay la qaadan doonan Madaxda iyo khubarada la socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo awooda aqooneed iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha Barakaca keena sida Abaaraha, Fahaatada iyo masiibooyinka dabiiciga ah dalkeena ka dhaca, iyadda oo la tayeenayo hay’adaha dowlad gobaleedyada .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor