Mas’uul lagu dilay duleedka Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Maanta gudaha deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka deegaankaas iyo Askari la socday.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah kuna hubeysan Bastoolad ay toogasho ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Ceelasha biyaha, Askari la socday iyo qof shacab ah, iyagoona u geeriyooday rasaas lagu dhufay.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa durbo goobta baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd goobta tegay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyaoo qaaday Meydadka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Guddoomiye Waaxeedka ka tirsanaa Maamulka Ceelasha oo magaciisa ay ku sheegeen UK Xuseen Cali, ayna la dileen laba Askari oo ilaalo u ahaa.

Maamulka deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaan weli ka hadlin dilki Maanta halkaas ka dhacay, hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay deegaankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor