Mas’uul ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo xaaskiisa dishay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir oo saakay lagu dhex dilay Guri uu deganaa oo ku yaalla degmadaas.

Dilka Guddoomiyaha Waaxda Halgan ee degmada Deyniile ayaa waxaa la sheegayaa in loo adeegsaday tooreey, iyadoo la xusay in falkaas ay ka dambeysa xaaskiisa uu qabay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Fooldibi ayaa waxaa marka hore soo gaaray dhaawac Culus, maadaama tooreeyda looga dhuftay meel halista ah, kadibna waxaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, iyadoo markii dambe halkaas uu ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cabduqaadir Fooldibi iyo xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran kooban oo aan weli wax faah faahin laga helin, kaasi oo markii dambe sababay gacan ka hadal.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan falkaas lagu dilay Guddoomiyihii waaxda Halgan ee Cabduqaadir Fooldibi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media