Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Balcad oo ka badbaaday Qarax lala eegtay

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda degmadaas Ismaaciil Barre Nuur uu ka badbaaday qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaari uu watay.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Guddoomiye ku-xigeenka Ismaaciil Barre uu ka badbaaday qaraxaas lala eegtay, xilli uu marayey waddo ku taalla degmada Balcad, waxaana qaraxa uu burbur gaarsiiyey dhismaha Guri ku yaalla goobta qaraxa ka dhacay.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxa oo jugtiisa la maqlay, wararka ayaa intaas kusii daray in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ay sameeyeen howlgal kooban oo lagu xaqiijinayey ammaanka Magaaladaas.

Qaraxyo miinooyin ah oo dhulka lagu aasay ayaa dhowr jeer oo horey ka dhacay gudaha degmada Balcad iyo duleedkeeda intaba, waxaana inta badan qaraxyada lala beegsaday kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa howlgalka ATMIS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor