Masar oo Safiir cusub u soo magacaawday Somalia lagana guddoomay Warqadihiisa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar ay u soo magacawday Soomaaliya Maxamed Alsaciid Axmed Albaas.

Danjiraha cusub ee Dowladda Masar Maxamed Alsaciid Axmed ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isagoo soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxamed Alsaciid Axmed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Danjiraha Cusub ee Masar ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor