Masar oo jawaab deg deg ah ka dalbatay Ethiopia

Masar ayaa weydiisatay Ethiopia inay caddeyn deg deg ah ka bixiso inay billowday buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay webiga Nile, waxaa sidaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waa falcelintii ugu horreysay oo rasmi ah oo ay bixiso Qaahira kadib markii wasiirka biyaha Ethiopia uu goor hore oo Arbacadii ah sheegay in Addis-Ababa ay billowday buuxinta, maalin kadib markii ay burbureen wada-hadalladii kala dhaxeeyey Masar iyo Sudan oo labaduba ku tiirsan biyaha webiga Nile.

Sidoo kale, Wasaaradda Waraabka Sudan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in dalkeeda uu dareemayo in biyaha webi Nile ay maalinkiiba hoos u dhacayaan 90 milyan oo cubic meter ah.

Bayaanka Sudan ayaa sidoo kale lagu diiday “tallaabo kasta oo kali ah oo hal dhinac ah” inta ay socdaan wada-xaajoodyada.

“Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota,” ayuu khudbad TV-ga laga sii daayay ku yiri wasiirka biyaha ee Ethiopia Seleshi Bekele. “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sudan iyo Masar ayaa labaduba ka walwalsan in biyo-xireenkan oo ku kacaya lacag dhan afar bilyan oo doollar uu u horseedi karo hoos u dhaca biyaha ee ay dalalkoodu helaan.

Mashruucan biya-xireenka ayaa sare u qaaday welwelka ay Masar ka qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah.

Talaadadii ayaa waxaa fashil ku dhamaaday wadahadallo u dhexeeyey saddexdan dal si loo xakameeyo qulqulka biyaha ee biyo xireenka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric ayaa wariyeyaasha u sheegay in Xogahayaha Guud Antonio Guterres uu ku booriyey saddexda dal in ay “maalmaha soo socda ka faa’iidaystaan fursadaha si ay u xalliyaan khilaafaadka hareeyey islamarkaana u gaaraan heshiis faa’iido u leh dadkooda.”

Xigasho VOA-Somali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media