Masar oo cambaaraysay weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, Axmed Abu Zayd ayaa sheegay inay Dowladda Masar si xoogan u cambaaraynayaan Weerarkaasi oo lagu dilay Labaatameeyo qof.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Masar ka taageerayaan Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed sidii looga hortegi lahaa Falalka Arxanka daran ee Kooxaha Argagixisadda.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, Axmed Abu Zayd waxa uu tilmaamay  inay Dowladda Masar Tacsi u dirayso dhamaan  Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi, wuxuuna Ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo, isagoo dhinaca kalena dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi u rajeeyey inay ka bogsadaan  dhaawacyadii ka soo gaaray Weerarkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor