Maama Sahra Maxamed Axmed oo aan Aqoon fiican u leeyahay Waxqabadkeeda waa Asaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women Development Centre) (SWDC).
Waxay ku dhalatay magaalladda Muqdisho sanadkii 1952-kii.
AUN Aabaheeda waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Boliska Somalia, waxayna isaga iyo AUN Xaaskiisa, Maama Zeynab ku dadaaleen wax-barida iyo tarbiyeynta carrurtooda oo ka kooban 5 Wiil iyo 2 Gabdhood, Maasha Allaah.
Maama Sahra Maxamed Axmed waxay sanadkii 2005-tii ka qalin jebisay Jaamacadda Hamar University oo ku taallay KM 4. waxaana Hormuudka Jaamacadda Hamar University ahaa Prof. Admiral Faarax Cumar Axmed “Faarax Qare” .
Hadafkeeda ugu weyn ee Barashadda Shareecadda waxay ahayd inay noqoto Qareen difaaca Xuquuqda Haweenka (Advocacy of women’s rights).
Waxay aad u rumeysan tahay inay Diinteena Islaamka ku dhiiri-gelinayso inay sii wado Shaqadeeda, iyadoo Islaamku dhiiri-gelinayo in la caawiyo dadka saboolka, la badbaadiyo dadka baahiyaalka Gaarka qaba, laga difaaca Tacadiyada Kufsiga, Ka-hortaga Falal Dhaqameedka ee waxyeelladda leh iyo Dhismaha Nabadda iyo Ammaanka.
Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) waxay diiwaan gelisaa Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha iyo Kiisaska Tacadiyada ee ka dhaca Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.
SWDC waxay kaloo caawimaad u fidiyaan Dhibanayaasha, iyagoo siiya Taageero dhinaca Sharciga, Qareen u dooda iyo inay u ololeeyaan dadka aadka ugu nugul ee Mujtamaca.
Maama Sahra Maxamed Axmed oo ah Asaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ( SWDC) waxay Difaace Xuquuqda Aadanaha ka tahay mid ka mid ah Wadadamada ugu khatarsan Caalamka, iyadoo Somalia figta sare kaga jirto Qiimeynta Tusmada Dalalka Taagta daran ama burburay (The top of Fragile States Index).
Xaqiiq ahaan, Qoraal laguma soo koobi karo Waxqabadka Maama Sahra Maxamed Axmed ee U-Kaalmaynta iyo Daryeelka Hooyooyinka iyo Carruurta Somalia.
Waxay Shaqadeedii u horeysay ka bilowday Ururka Bulshada ee HINNA, oo Lacago kaalmo ah u ururiyey si loo furo Isbitaalo iyo Dugsiyo, iyo in Maleeshiyada Xilligii Dagaal-oogayaasha lagu baraarujinayey inay dhigaan Hubka, oo ay Qalinka qaataan.
Dadaalkeeda Waxqabad oo lagu caana-maalay waxay ugu dambayntii asaastay Xarunta Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ee SWDC oo ay haatan ka tahay La-taliye Sharci iyo Agaasime.
Si kastaba ha ahaatee, Maama Sahra Maxamed Axmed waxay guul u soo hoysay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta, waxaana Caawa Marwada Madaxweynaha Maraykanka Jill Biden ay guddoonsiin doontaa Billadda Caalamiga ee Geesinimada Haweenka Soomaaliyeed “Somali’s International Women of Courage” oo ay ku muteysatay Dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo Difaacida Xuquuqda Aadanaha (Peace Activist and Human Rights Defender), iyadoona Biladda lasoo dhigi doono Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii, waxaa sharaf inoo ah inaan Maama Sahra Maxamed Axmed ku bogaadino Waxqabadka muuqda ee Halyeeynimada ee ay ugu adeegayso Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta ee lafdhabarka u ah Mujtamaca”.