Markab lagu weeraray Xeebaha dalka Oman

Markabka ayaa la sheegay in xalay lagu weeraray meel u dhow Jesiiradda Masirah oo 300 KM dhanka K/bari kaga toosan caasimada dalka Oman ee Maskhat.

Koox ka tirsan Milliteriga British ayaa sheegay inay baarayaan shil kale oo aan la sharxin oo ka dhacay isla goobtaasi.

Dowladda Oman weli kama hadlin, halka Guutada 5-aad ee Ciiddanka Badda Maraykanka ee Ilaaladda ka haya Bariga Dhexe ay ka jawaabin wicitaanada, si ay uga hadlaan weerarkaasi.
Shilal horey uga dhacay Gacanka Hormuuz waxaa lagu eedeeyey inay Iiraan ka dambaysay, inkastoo ay Iiraaniyiinta beeniyeen eedeymahaasi.

Shilka xalay lagu weeraray Markab marayey meel ka baxsan Xeebaha Oman waxay ku soo beegantay, xilli ay xiisad kulul ka taagan tahay Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan oo uu Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump qaadacay sanadkii 2018-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor