Mareykankana oo Ciidammada Afgaanistaan ku booriyay inay hakiyaan awoodda Taalibaan

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Ausin, ayaa ciidammada ammaanka ee Afghaanistaan ugu baaqay in mudnaan gaar ah ay siiyaan sidii ay u dejin lahaayeen dhaqdhaqaaqa kooxda Taalibaan, ka hor inta aanay isku dayin inay dhul kala wareegaan maleeshiyaadka.

Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Afghanistan ay ku mashqulsan yihiin sidii ay u aruurin lahaayeen ciidamo oo ay u geyn lahaayeen agaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, si looga hor tago in Taliban ay soo galaan magaalooyinkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ururka Taalibaan uu wado guluf uu kula wareegayo dalkaasi Afgaanistaan, maadaama ay ciidammada shisheeye isaga baxayaan dalkaasi.

Ururku haatan waxa uu la wareegay kala bar dalkaasi walow aanay qabsan magaalooyinka waa wayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor