Mareykanka “Weynu taageereynaa geeddi-socodka KGS laakiin marnaba ma taageereyno musharax gaar ah”

War lagu qoray twitterka safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney taageerayaan doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Mareykanka ayaa sheegay in  uu soo dhaweynayo  Guddiga Doorashada Madaxweynaha  Koonfur Galbeed ee dhawaan la Magacaabay iyo Xubnaha ka mid ah.

Sidoo kale  Waxaa uu  rajo wanaagsan ka muujiyay  in 17 Bisha November ay doorashada u dhacdo si wanaagsan oo  lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka deegaanada Koonfur Galbeed.

17 Bisha soo socota ee November ayaa lagu wadaa in Magalada Baydhabo ay ka dahcdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana jira musharixiin farabadan oo qaarkood la sheegayo inay taageero ka helayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor