Mareykanka ”Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa kuwa carqaladeynaya nabadda Somalia”

Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ka digtay in ay tallaabo ka qaadi doono kuwa carqaladdda ku ah dariiqa nabadda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah,” ayuu lagu yiri hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Hadalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yimid, maalin kaddib marki uu madaxweyne Farmajo sheegay inuu shaqada ka joojiyay ra’isulwasaare roobe, arrintaas oo uu ka biyo diiday raisulwasaaraha