Mareykanka oo War kasoo saaray laba Go’aan oo kasoo baxay Dowladda Somalia

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya War kasoo saartay Go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland muddo laba sanno ah.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweysay go’aankii Maanta ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka, isla markaana ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweyne KMG ah.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku Casuumay Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo Arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.

Mareykanka ayaa tilmaamay in wada hadal iyo dib u heshiisiin ay gaaraan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay  muhiim u yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Si kastaba Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaadacday Go’aankii Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland mudo laba sanno.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media