Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Bari

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca Cirka oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ay ka fuliyeen deegaanka Timirshe oo hoostega Degmada Isku shuban ee Gobolka, isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Ururka Daacish.

Sidoo kale Qoraalka AFRICOM  ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya, isla markaana ku sugnaa deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika  ayaa intaas sii raaciyay in howlgalka duqeynta ahaa dadka shacabka ahaa ee goobta ka Agdhawaa uusan kasoo gaarin Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale Ciidanka Puntland ayaa sheegay in duqeynta kadib ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku lahaayeen deegaanka Timirshe, isla markaana dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Ciidamada PSF oo qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish, isla markaana dadka halkaas ku dhintay ay ku jireen Saraakiil Soomaali ah iyo Ajaanib ah, waa sida hadalka loo dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media